Tutorials
Calendar
Maktabadda Nuurulyaqiin
Subac
Report Broken Links
Social Media

Sameynta Mowliidka

0
18 December 2013 05:13 in by Abdullahi M. Yusuf
  • Visits: 3819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Sameynta Mowliidka

    لاإله إلا الله محمد رسول الله

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

لاإله إلا الله محمد رسول الله



بشهر ربيع قد بدا نوره الأعلي
 فيا حبذا بدرا بذاك حما يجلى
 أيا مولد المختار جددت شوقنا
 إلي خيرمبعوث جليل حوي الفضلا
 
 
MAHADNAQ

Waxaan Mahad, ammaan iyo ducaba u soo jeedinayaa khayr qabayaashii iga gacan siiyey soo bixitaanka Kitaabkan. oo ay ugu horreeyaan walaalihii igu dhiirigeliyey, kuwii daabacay, iyo kuwii igu gacan siiyeyba.
Waxaan mahad gaara u jeedinayaa
1. Sayid maxamuud s. Xuseen Sayid Sulaymaan iyo
2. Sh. C/Rasaaq Yuusuf Aadan oo aad iiga caawiyay talooyinka, tixraaca iyo ururinta adilooyinka kitaabka.
 
Waxa kale oo aan mahad iyo ducaba u jeedinayaa qof kasta oo kitaabkan ku sameeya naqdi, ama taageero wax ka tari karta daabacaada tan xigta. Iyo cid kasta oo wakhti ku filan siisa akhriskiisa oon rajaynayo in uu wax badan inoogu kordhin doono maxabada Rasuulka SCW iyo weyneynta xuska Nabiga.
 
 
Waxaan duco intaa oo dhan ka ballaadhan u soo jeedinayaa dadkii sababta u ahaa waxbarashadayda iyo tarbiyadayda ee waalidiintayda, macalimiintayda iyo mashaa’ikhdaydaba, waxaan dhammaantood ugu ducaynayaa in Ilaahay siiyo raali ahaansho iyo dambi dhaaf aan ebid ka dhammaan.
 
 

HORDHAC
Waxaan kitaabkan kaga hadlaynaa fadliga samaynta xuska Mawlidka Rasuulka SCW. Waxaan. u daliishanaynaa Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Rasuulka. Daliilkaasoo aynaan caqligeenna ka fasiraneyn ee an u marayno dariiqa mustaqiimka ah ee Ilahay uu yiri: ياءيها الذ ين آمنوا أطيعوا لله وأطيعوا الرسول وأولو الأمر منكم Dadka muuminiinta ahow Ilaahay adeeca, Rasuulkiisa adeeca, Uulul-amriga idinka midka ahna adeeca.
 
Saxaabigii jaliilka ahaa ee ummadda ugu aqoonta badnaa Tafsiirka Quraanka, Rasuulkuna ugu duceeyey Fahamka diinka wuxa uu Uulul amriga ku fasiray أهل العلم والفقه Ahlul-Cilmiga fiq’higa u saaxibka ah. Fasirka Ibnu Cabbaas waxaa ayidaya Axaadiith fara badan oo caddaynaysa fadliga Imaamyaalka fiqhiga ee laga qaadanayo fasirka kitaabka iyo Sunnada. Waxaa ka mid ah Xadiis saxiix ah oo ay weriyeen Bukhari iyo Muslim, oo ah من يرد الله به خيرا يفقه في الدين Qofkii Alle khayr weyn la doono wuxuu siiyaa fiqhiga diinta.
 
Khayrkaas kaku xiga qofkii Ilaahay u qadaray xaqa ayuu fahmaa, Imaamyaalka xaqana wuu raacaa, waxaanad ogaataa sida ku cad daliillada aan soo xusnay in cuskashada daliilka Shariicada Islaamku ka kooban yahay :-
 
1. Allaah oo ah Rabbigii soo dejiyey Diinta.
2. Nabi Muxammad oo ah Rasuulkii lagu soo dajiyey.
3. Imaamyaalka oo ah Culumadii diinta ka dhaxashay Rasuulka CSWS.
 
Rasuulka CSW wuxuu yiri العلماء ورثة الأنبياءCulammadu waa kuwa dhaxlay Anbiyda. Taas waxaa Ilaahay Dawo kaga Dhigay in Qof kastaaba aanu Diinta Ra’yigiisa ku fasiran ee la qaato Fahamka Imaamyaalka Islaamka.
Marka dawadaa la qaato ma jirto masalo aan lagu heshiin karin oo aan la garan karin meesha uu u xoogg badanyahay xaqu.
 
Waayo waxaa waqtigii Salafka ee Rasuulku uga marag kacay khayrka iyo xilliyadii la xdhiidhey la ururiyey lana qoray sida ugu xoogga badan ee Imaamyaalka looga qaadanayo fasirka fahamka Quraaanka iyo Axaadiista. Waxaa la kala caddeeyey darjada Imaamyaalka laga qaadanayo Cilmiga siday ugu kala sarreeyaan uguna kala awood badanyihiin dhanka Cilmiga, Camal falka, Cabsida iyo Xifdiga.
 
Sidaa daraadeed, Marka Xaqa loo jeedo ee qofku Xaqdoon yahay waa in uu qaato kitaabka iyo Sunada kuna qaato Fahamka Culmadaa muxaqiqiinta ah. fahmkaasoo ururiyey fahamkii Asxaabta Rasuulka SCW, Taabiciinta, Taabicu-Tabiciinta iyo imaamyaalkii ka xanbaaray cilmiga ee uu Jiilba jiil ka dhaxlayey Ilaa Rabbigu sidaa inagu soo gaadhsiiyey.
 
Qofkase raacitaanka imaamyada diida ee yidhaahda daliilka Quraanka iyo Xadiithka fahamkayga ayaaan ka qaadanayaa, ee baabi’iya xurmadii iyo adeecitaankii Imaamyaalka Diinta Islaamka, wuxuu la kulmayaa khasaaro adduun iyo aakhiro ah sida ay in badan noo caddaysay diinta Islaamku.
Waxa Imaamu Tarmadi laga wariyey inuu Rasuulku yidhi "Naga mid maaha Qofkii aan Caalimkeena u aqoonsan Xaqa uu leeyahay”.
 
Arrimaha adillooyinkani noo caddaynayaan waxaa ka mid ah in Imaamyaalka Islaamka ee sugay fadliga Mawlidka ay tahay in la raaco laguna adeeco aayadaha Quraanka iyo Axaadiithta saxiixa ah ee ay u dalishadeen fadliga uu leeyahay samaynta xuska mawlidka Rasuulka CSW. Daliilladaas oo noogu iman doono qaybaha danbe ee kitaabka, waxaan u kala qaadaynaa 3-dex Cutub oo kala ah:-
 
1- Daliilka qaybaha uu ka koobanyahay khayraatka lagu sameeyo xuska Mawlidka Rasuulka SCW.
2- Daliilka ay sida tooska ah culammadu ugu daliishadaan xuska mawliidka Rasuulka CSW.
3- Daliilka loogu jawaabayo Tashwiishka dadka diida xuska Mawliidka Nabiga CSW.
 
Waxaan inshaa’alahu 3-dan qaybood isugu xijisiin doonnaa sida ay u kala horreeyaan, waxaanna Asal iyo Maraajic uga dhigi doonnaa kitaabbada ugu caansan kutubta Islaamka, annagoo inta aqrida iyo annagaba Ilaahay uga rajaynayna karaamo, Qabuul iyo Sharaf adduun iyo Aakhiro.
 
Xildhibaan Maxamad/yaasiin Sh. Cali ayaanle. (Sibdi Sayid Sulaymaan RC)
CUTUBKA 1AAD
 
DALIILADA KHAYRAATKA LA SAMEEYO XAFLADA XUSKA MAWLIDKA RASUULKA (SCW)
 
Muxuu ka koobanyahay xuska Mawlidka Rasuulka SCW?.
 
Sida la ogsoonyahay dhammaan qaybaha ay ka koobantahay Xafladda loo sameeyo Xuska Dhalashada Rasuulka SCW waxay ka koobantahay:-
• Siirada Rasuulka SCW oo la aqriyo.
• Qasiidooyin lagu amaanayo Rasuulka SCW.
• Salliga Rasuulka SCW oo la badiyo.
• Sadaqa la bixiyo.
• Muujinta Jacaylka iyo wayneynta Rasuulka SCW
• Ka sheeekaynta dhalshadii Rasuulka oo la kordhiyo bishii uu dhashay.
• Mujinta farxadda ku beegan dhalashada Rasuulka SCW.
• Macruufka oo la is faro, Munkarkana la iska reebo.
• Iyo khyaraad badan oo muslimiintu ku muujinayaan qadarinta, weynaynta iyo jacaylka ay u qabaan Xabiibkooda suuban SCW.
Haddaba, intaa aan soo sheegnay ee uu ka koobantahay xafladda xuska mawlidka Rasuulku SCW keebaan khayr ahayn oo aan daliillo badan ku lahayn Quraanka kariimka, Axaadiithta Rasuulka SCW iyo Ijmaaca Imaamyada Diinta Islaamka?. Mase kulminta la kulmiyey ayaa ka qaaday khayrkii. Hala waydiiyo kuwa mawlidka diida marka laysku daro 10 shay oo xalaal ah ma waxay noqdeen xaaraam.
 
Saw wax laga xumaado ma aha in maanta wax laga sheego ama la yiraahdo maxaa u daliil ah Sadaqada la bixiyo marka Nabiga la xusayo, Ammaanta, Siirada, Salliga, iyo is faridda jacaylka Rasuulka CSW.
Dahammaan arrimahaas ay kulansatay xafladaha loo sameeyo dhalashada Nabigeenna waxay ka mid yihiin khayraadkii uu Ilaahay Quraanlkiisa kariimka ah nagu amray inaan isu kaalmaysano oo aan isku gacan sinno samayntiisa, Ilaahay waxa uuu yidhi وتعاونوا علي البر والتقويIsu kaalmaysta khayr samayntiisa iyo Alla ka cabsiga, haddaba dhamaan qaybahaa aan soo sheegnay teebaan samaynteedu ahayn alla ka cabsi iyo khayr.
الحمد لله رب العالمين Ilaahay bey mahadi u sugnaatay.
Imaamkii weynaa ee Al-Xaafid Jalaalu-Diin Al-Suyuudi isagoo kulanka khayraatkan sheegaya wuxuu kitaabka Xusnul-Maqsad Fii Camalil Mawlid ku yiri: "Xaflada Mawliidka asal keeduba waa Dadka oo isku yimaada, Quraan la akhriyo, Axaadiista dhalashada Rasuulka [SCW] oo laga waramo iyo Aayaat kii dhacay habeenkii uu dhalanayey, kadib wax baa la cunaa oo la cabaa, taasina waa Sunna wanaagsan, Illaahay wanaag ayuu ku abaalin ruuxii sidaa sameeya, sababtoo ah waxa ku jira arintan waynayn ta Nabiga (SCW) oola weynaynayo, iyo Bishaareyn iyo Farxad loo qabo Dhalashada Xabiibka. Haddaba aan midmid u eegno khayraatka ay ka koobantahay Xafladda xuska Mawlidku:-
 
 
1- SIIRADA RASUULKA OO LA AQRIYO
 
Maalmaha lagu jiro xafladaha Xuska dhalashada Rasuulka CSW waxaa la aqriyaa Kitaabka loo yaqaan Mawliidka oo kulmiya kitaabba ay qoreen caalimiin ka mid ah imaamyaalka diinta Islaamka. kitaabkani wuxuu ka waramaa :
•Dhalashadii Rasuulullahi Muxammad (SCW).
• Mucjisooyinkii Ilaahay ka muujiyey Rasuulka SCW yaraan tiisii ilaa waqtigii uu Ilaahay oofsaday.
• Qasaa’id lagu ammaanayo Rasuulka CSW, Tawsul iyo Istigaatho Ilaahay lagu baryayo fadliga Rasuulka CSW.
 
Waxa cid kasta oo muslim ahi ka dheregsantahay inta Rasuul ee uu illaahay ku xusay Quraanka Kariimka ah dhalashadooda, taariiikh nololeedkooda iyo Muc jisooyinkii Ilaahay ku soo galladaystay, Sida:
 
• Dhalashadii illaa Rasuul naimadii Nabiyulaahi Muuse (CS).
• Dhalashadii illaa Rasuul nimadii Nabiyullaahi Yaxya.
• Dhalashadii illaa rasuulnai Nabiyulaahi Ciise (CS).
• Iyo Anbiya badan oo sidaa looga sheekeeyey
 
Ilaahay Swtacaalaa isagoo caddaynaya qayb ka mid ah faaiidooyinka ku jira ka sheekaynta siirada iyo fadliga Anbiyada wuxuu quraankiisa kariimka ah ku yiri :
كلا نقص عليك من أنباء الرسل ما نثبت به فؤدك
"Dhamaan waaxaa aan kaaga warrannay ee ah wararkii Rususha waxaan ku xasilinynaa Qalbigaaga”
 
Waxa kale oo Ilaahay Suuradda usuf ku yiri: لقد كان في قصصهم عبرة لأول الألباب
Qisooyinkooda Cibra ayaa idinkugu sugan.
Haddii sidaas Ilaahay ku yiri Nabiyullaahi muxammad SCW maxaad u malaynaysiin baahida aan u qabno in la inooga sheekeeyo Nabigeenna suuban oo aan dhegaysanno siiradiisa, ammaantiisa iyo mucjisooyinkiisa, waxaa la ogsoonyahay in qof kasta oo qalbi wanaagsan ku yimaada meelaha lagu xusayo Rasuulka CSW uu ka qaadayo maxabbo hor leh, uuna ka baranayo cilmi aanu horey u aqoon oo Nabiga siiradiisa ah, taasina waa mid ay nafartay Shariicada Islaamku.
 
Waxaa laga weriyey Qaar badan oo kamida Asxaabta Rasuulka inay siirada Rasuulka ay Ubadkooda ubari jireen sida Suurad Quraanka ka mid ah, waxay bari jireen Rasuulka CSW, Sheekooyinkiisa, wanaaagiisa, sifooyinkiisa fiicnaanta badan, wanaagii Ilaahay uu sii yay iyo qayba badaan oo siiradiisa ah.
 
 
• Siirada Rasuulka SCW oo la aqriyo.
• Qasiidooyin lagu amaanayo Rasuulka SCW.
• Salliga Rasuulka SCW oo la badiyo.
• Sadaqa la bixiyo.
• Muujinta Jacaylka iyo wayneynta Rasuulka SCW
• Ka sheeekaynta dhalshadii Rasuulka oo la kordhiyo bishii uu dhashay.
• Mujinta farxadda ku beegan dhalashada Rasuulka SCW.
• Macruufka oo la is faro, Munkarkana la iska reebo.
• Iyo khyaraad badan oo muslimiintu ku muujinayaan qadarinta, weynaynta iyo jacaylka ay u qabaan Xabiibkooda suuban SCW.
 
 
 
 
2- QASAA’IDKA LAGU AMMAANO
RASUULKA SCW.
 
 
من تولي مدحه موجده ذكره في كل كتب سطرا
 
Inta aannaan u guda gelin qasiidooyinkii Saxaabada Rasuulku ku amaaneen Nabigeenna CSW waxaa diin iyo imaan ah inaan ammaanno Rasuulka suuban CSW annagoo ku camal falaynaya hadyiga Quraanka oo aayado aad u badan uu Illaahay subxaanahu wa tacaalaa ku amaanay Nabigiisa Muxammad SCW.
 
Ilaahay ayaa amaanay
 
fadliga Ilaahay ku siiyey waa mid weyn وكان فضل الله عليك عظيما
 
Xuskaaga ayaan koryeelay ورفعنا لك ذكرك ilaahay wuxuu Rasuulka ku sheegay Ra’uuf iyo Raxiim.
 
Aayad kale wuxuu ku yiri وإنك لعلي خلق عظيم waxa Khuluqda Nabiga ka mida "CILMI, DULQAD, XISHOOD BADAN, CIBAADO BADAN, DEEQSINIMO BADAN, SABAR, MAHAD-CELIN, ISYARAYN, SAAHIDNIMO, RAXMAD, NAXARIIS, MACAAMILO WANAAG, ADAAB, AKHLAAQ-WANAAGSAN,RAALI-GALIN, IXTIRAAM,JACAYL, RUNLAY,AAMIN , BALAN WANAAG IYO IYO DHAMMAAN QAYBAHA AKHLAAQDA SUUBAN.
 
Rasuulka ayaa is amaanay
 
Rasuulka SCW wuxuu hadalkiisa Waxyiga ahaa ku yidhi
 
أنا سيد ولد يوم القيامة وبيدي لواء الحمد ولا فخر وما من نبي يومئذ آدم فمن سواه إلا تحت لوائي وأنا أول من تنشق عنه الأرض ولا فخر رواه الترمذي
 
"anigaa ah Sayidka Dhashii Aadam, Maalinta Qiyaamaha Calanka mahaduna gacan tayda ayuu ku jiraa, faanna ma aha, Maalintaa Anbiyada oo dhan Aadam iyo Anbiyada ka danbaysa Calan kayga ayey hoos tiisa ahaa nayaan, anaa ugu horreeya qof dhulku ka dillaaco, Faanna ma aha.
 
Xadiis sanadkiisu wanaagsanyahay oo imaam Tarmadi weriyey wuxuu Rasuulku yidhi SCW "Maalinta Qiyaamuhu dhaco waxaan ahaanayaa Imaamka Anbiyada, ka u khud baynaya iyo ka shafaacada iska leh, Faanna ma aha”.
 
Xadiith uu weriyey Imaam Muslim, wuxuxuu Nabigu ku ammaanay naftiisa iyo ahalkiisa, Saxaabigii Waa’il (RC) ayaana sheegay in Nabigu yidhi SCW
 
أن الله اصطفي من ولد إبر اهيم إسماعيل واصطفي من ولد اسماعيل بني كنانة واصطفي من بني كنانة قريشا واصطفي من قريش بني هاشم واصطفاني من بني هاشم
 
"Ilaahay wuxuu ka doortay dhashii Nabi Ibraahim Ismaaciil Dhashii Ismaaciilna Reer Kinaan, Dhashii Reer Kinaana Quraysh, Qurayshna Reer Haashim, Reer haashimna aniga ayuu iga doortay.
 
Asxaabtii ayaa amaantay
 
Qof kasta oo wax ka yaqaan Siirada Rasuulka CSW iyo kutubta Axaadiithta oo ay ka mid yihiin Saxiixul-Bukhaari iyo saxiixul-Muslim wuxuu ogyahay in Asxaabtu ay Qasiidooyin ku amaani jireen Rasuulka CSW, iyagoo isugu jira Rag iyo dumar, yar iyo waynba, Nabiga oo Xaadir ah oo hor taagan.
 
Qasiidooyinkii asaxaaabtu ku ammaaneen Rasuulka CSW kuna difaaceen aad ayey u fara badnaayeen halkanna laguma soo koobi karo, haddaanse in kooban ka bildhaaminno waxaaan ugu hormarinaynaa qasiidadii lagu weriyey Saxiixul Bukhaari iyo Saxiixul Muslim, qasiidadaas oo uu allifay saxaabigii jaliilka ahaa ee Xasaan Ibnu Thaabit waxaa ka mid ahaa :
هجوت محمدا فأجبت عنه وعند الله في ذاك الجزاء
هجوت محمدا برا حنيفا رسول الله شيمته الوفاء
فإن أبي ووالده وعرضي لعرض محمد منكم وقاء
 
Qasiidadan markuu qaaday Xasaan RC. Rasuulku CSW wuxuu siiyey dallacaad duco iyo ammaan uu mahdiyey taasoo uu ku mutaystay qasiidadii uu ku ammaanay kuna difaacay Rasuulullaahi Muxammad SCW.
 
وفينا رسول الله يتلوا كتابه إذا انشق معروف من الفجر ساطع.
أرانا الهدي بعد العمي فقلوبنا به موقنات أن ما قال واقع.
يبيت يجافي جنبه عن فراشه إذا استثقلت بالكافرين المضاجع.
 
 
Qasiidadan Markuu Ibnu Rawaaxah RC ku Ammaanay Rasuulka SCW wuxuu xabiibka ka helay dallacaad iyo karaama weyn iyo Ammaanta Rasuulka SCW.
Xadiith saxiix ah oo ay weriyeen imaamyaal uu kamid yahay Ibnu Maajah wuxuu yidhi Saxaabigii weynaa ee Aanas Ibnu Maalik (RC) "Nabigu SCW) waxa uu soo maray qayb kamida magaalda Madiina, waxa uu Rasuulku ku soo baxay Gabdho yar yar oo garaacaya Daf oo qaadaya gabay; - macnihiisu yahay – "Anagu waaxan nahay Gabdho Reer banii Najaar ah. waxaa wanaagsan mid deris la noqday Nabiyullaahi Muxammad”, mar kaasuu nabigu yidhi Illahay ayaa og in aan anigu idin jecelahay idinka”.
 
Anas binu Maalik (RC) waxa kale oo uu wariyey In Nabigu (SCW) uu galay Maka, isaga oo uu hor socdo Saxaabigii weynaa ee Cabdullaahi Ibnu Rawaaxah (RC) oo tiranaya Gabay -Qasiida- uu ku lee yahay
 
خلوا بني الكفار عن سبيله اليوم نضربكم علي تنزيله
 
ضربا يزيل الهام عن مقيله ويذهل الخليل عن خليله
 
{banneeya Nabiga wadadiisa, dhashii gaaladaay. maantaa la idinku garaaci diintii lagusoo dejiyey Nabiga, garaacid madaxa ka suulisa maqaar kiisa, illawsiisana saaxiibka saaxiibkiis, Rabiyaw waxaan rumeeyey rasuululaahi Muxammad warkiisa}.
 
Markii Cabdullaahi Ibnu Rawaaxah Ilaahay ha ka raalli noqdee uu qaaday qasiidadaas Waxa uu sayid Cumar Ibnul-Khaddaab RC ku yiri C/laahi Binu Rawaaxah : Ma Nabiga hortiisa adoo socdo oo ku jira Xaramka Illaahay dhexdiisa ayaad Gabay tirinaysaa, markaasuu Rasuuku SCW ku yidhi: Sayid Cumaraw ka leexo C/llaahi ibnu Rawaaxah, erayada uu ku dhawaaqayaa Gaalda uga degdeg badan Fallaaraha iyo Gamuunyada lagu ridayo. waxa wariyay Tarmdi Xassanun Saxiix.
 
Qofkii doonaya inuu wax badan ka arko qasiidooyinka faraha badan ee Asaxaabtu ku ammaaneen Rasuulka CSW ha ka eegto kitaabbada Siirada iyo taariikhda Rasuulka CSW ee ay kamidyihiin siirada Ibnu Isxaaqa, Ibnu hishaamka, Dalaa’ilu-Nubueah, Rawdul-Unuf, AL-Bidaayah wannihaayah, Diiwaanka Xaafid Ibnu Xajar iyo kutubta la midka ah.
 
 
 
3- SALIGA NABIGA CSW
 
إن الله وملائكته يصلون علي النبي ياء يها الذين آمنواصلوا عليه وسلموا تسليما
 
Khyaraatka aadka loo badiyo dadkana lagu boorriyo maalmaaha mawliidka la qabanayo waxaa ka mida, Salliga Nabiga CSW oo ah arrin aad loogu wayneeyey xaga diinta Islaamka. waxaa Dadka muminiinta ah ugu jira Saliga ay ku saliyayaan Rasuululaahi Muxammad CSW Khayr dhamaantii, Barako, Nabad gelyo iyo Guul. Khayrka iyo Nimcooyinka faraha badan ee lagu helo Salawaatka Rasuulka CSW waxaa ka qada Cid hoog lala damcay.
 
Waxaanad ogaataa haddii faa’iidadaas badani aanay inoogu jirin Salliga Rasuulka SCW Illaahay inama amreen, inagumana sharfeen inuu nagu casuumo lawadaagidda Salliga Rasuulkiisa aan la wadaagno Isaga iyo Malaa’ik tiisa.
 
Waxaa kalood ogaataa in Salliga Rasuulka CSW uu ka mid yahay Acmaasha loogu jacayl badan yahay xaga Rabbi, isla markaana ajarkiisa la laalaabo, korna loogu qaado darajada qofka akhriya, wuxuuna salligu kaa maydhayaa danbiyadii aad gashay.
 
Waxa uu Ilaahay Quraankiisa ku yidhi :-
 
إن الله وملائكته يصلون علي النبي ياءيها الذين صلوا عليه وسلموا تسليما
 
Ilaahay iyo Malaa’iktiisu waxay ku salliyaan Nabiyullaahi Muxammad, kuwii Alle iyo Rasuul Rumeeyow ku salliya Rasuulka dushiisa oo salaama”.
 
Tafaasiir waa wayni Waxay qoreen in Aayaddan uu ku jiro daliil kii ugu waynaa ee caddaynayey in Rasuulullaahi SCW uu yahay makaanka Raxmaduhu ku soo dagaan, iyo inuu ugu fadli badan yahay ummadaha kuwii hore iyo kuwa danbeba.
 
Waxa uu yiri Ibnu Kasiir muraadka aayadani waa " In Illaahay uga warramo Adoomahiisa jooga Caalamka ugu sareeya malaa’ikta Heerka uu Rasuulku ka joogo Illaahay agtiisa, isagoo lagu amaanayo Rasuulka Malaa’ikta la dhaweeyey agtooda, mar kaasay Malaa’ik tuna ku salidaa, intaa kadib waxa uu Illaahy amar ku bixiyay Dadka jooga Caalamka hoose inay ku saliyaan oo ay salaamaan Rasuulka SCW. [mukh tasarka Tafsiirka Ibnu Kasiir 3/11o]
 
Waxaa laga wariyey C/Laahi Binu Mascuud RC in Rasuulku yidhi SCW "Dad waxaa iigu xiga Maalinta Qiyaamaha Ka iigu Salliga badan” waxaa sanad wanaagsan ku weriyay Imaam Tarmidi.
 
Dufail Ibnu Abii Kacab waxa uu Aabihii ka weriyey inuu yidhi "Waxa uu Rasuulku SCW ahaa marka uu tago labo gobol oo habeenkii ahi kii kaca ee yidhaahda "Dadaw Illaahay xusa, Illaahay xusa, waxaa timid suurtii hore oo la raaciyay tii danbe, waxaa yimd Geeridii iyo wixii ku dhex jiray, waxaa yimid geeridii iyo wixii ku dhex jira”. Mar kaasuu Aabahay yidhi Rasuulkii Allaw anigu Salligaaga ayaan badiyaa, ee imisaan ka dhigaa ku sallintaada? Waxa uu yidi SCW "Intaad doon to”, waxaan ku idhi Rubuc, waxa uu yidhi "intaad doonto, hadaad kordhisato ayaa kaaga khayr badan”, waxaan ku idhi kala badh, waxa uu yidhi SCW " Intaad doonto, hadad biirsato ayaa kaaga khayr badan”, waxaan idhi Sadex meelood labo meel, waxa uu yidhi SCW "intaad doonto, hadaad biir sataa kaaga khayr badan”, waxaan idhi waxaan ka yeeli dhamaanba Salgaaga, waxa uu yidhi SCW " hadaa Muraadkaagii waad heli Danbigaagiina waa la dhaafi”. waxa wariyay Tarmdi Xadiisun Xasan ibnu Kasiir 3/510].
 
Waxaa laga wariyey Nabiga SCW inuu yidhi البخيل من ذكرت عنده فلم يصل علي رواه الرمذي:
 
"Bakhayl waa Qofka agtiisa la igu Xuso ee aan igu saliyin”.[waxaa wariyay Tarmadi Xadiisun Xasnun Saxiix].
 
Waxa Rasuulka SCW uu yidhi "markaad aadaan maqashaan dhaha waxa uu leeyahay oo kale, kadib aniga igu Salliya, Qofka igu salliya Toban jeer yaa lagu salliyaa, kadib Illaahay ii way diiya Wasiila, taasoo ah makaan ku dhex yaalla Jannada, oo uu helayo Qof qudha oo ka mida Adoomaha Alla, waxaanan ra jaynayaa inaan anigu qofkaa ahay, ninka intaa ii way diiyaa Shafaaca dayada uyuu helayaa, "ama Shafaacadayda ayaa u waajibtay maalinta qiyaamada”[waxa wariyay Muslim, Abuu Daa;ud, Tarmadi, Xadiisun Saxiix, Ibnu Kaasiir 3/513].
 
Waxa uu yidhi Rassuulku (SCW ) من صلي علي مرة صلي لله عليه به عشرا
"Qofkii igu salliya hal mar Illaahay ayaa ku saliya Toban mar”,[waxaa wariyay Muslim, Tarmidi Xasanun Saxiix].
 
 
 
4- JACAYLKA IYO WAYNAYN TA RASUULKA
 
المرأ مع من أحب
Jacaylka iyo waynaynta Rasuulku waxay ka mid yiihiin waxyaalaha Qofka Islaamka ah uga markhaati noqoonaya Iimaannkiisa rumaynta Rasuuulka.
Haddaba hadii Mawliidku yahay muujinta maxabada Rasuulka SCW, cid jecel mooyaane cid kalena aanay qaban karin Xuska dhalashadiisa, haddii aynu ognahay fadliga iyo waynida ay leedahay Maxabada Rasuulkeennii Udgoonaa CSW, haaddaannu ognahay in maxabbadu tahay darajooyinka ugu waaweyn ee Ruuxa Muminka ah Illahay siiyo, qofkii laga waayana aanu lahayn iimaan wax gala, sida Xabiibku ku yidhi Xadiis uu Bukhaari wariayay ee ah والذي نفسي بيده لايؤمن أحدكم تي أكون أحب إليه من والده وولده وفي رواية والناس أجمعين
" Ilaahbaan ku dhaartee Qofna Iimaan kaamil ah ma laha, illaa Qofkaasi uu ka jeclaado Rasuulullaahi Muxamad SCW Naftiisa, Waalidkiisa Hooyo iyo Aabo, Ubadka uu dhalay iyo dhamaan Dadka oo dhan”. wanaagay doonaanba ha u sameeyaane.
Sida uuu Allaah nnoo amray jacaylka iyo maxabada Rasuuulka ayuu inoo iyana inoo faray waynaynta rasuullka, waxaana uu alaah inagu amray aayado ffara badan.
 
Waxa uu Ilaahay yidhi Suuratul Fatxi 8-9 لتومنوابالله ورسرسوله وتعزروه وتوقروه وتسبحوه بكرة وأصيلا i
ina aad rumaysaan Ilahay iyo Rasuulkiisaba, oo aad Rasuulka waynaysaan, oo Ixtiraamtaan ”.
 
Suuratul Nuur aayadda 63 wuxuu Ilaahay yidhi لا تجعلوا دعاء الرسول بينكم كدعاءبعضكم بعضا "ha ugu yeedhinna Rasuulka sida aad isugu yeedhaan oo kale”. Eeg sida Ilaahay noo barayo weyneynta Rasuulka xataa habkii loogu dhawaaqayey. Suuradda Al-Axzaab aayadda 6 wuxuu Ilaahay yidhi النبي اولي بالمؤمنين من أنفسهم وأزواجه أمهاتهم
"Nibigaa ayaa mu’miniita uga xaq badan nafahooda, Haween kiisuna waa Hooyoo yin kooda”
 
Suuratul Al-Xujiraat aayadaa 72 wuxuu Rabbi ku yidhi: لعمرك إنهم لفي سكرة يعمهون "Cumrigaaga ayaan ku dhaartee reer qoomu Luud halowgooda iyo jaahilnamdooda dhexdeeday ku wareereen”.
waxa laga wariyey C/Laahi Binu Cabbaas RC inuu yidhi " Illaahay ma abuurin naf Ilaahay uga karaamo badan Muxammad SCW, kama aanan maqal Illaahay isaga oo ku dhaaranaya Qof nolshii, Nabi muxmmad mooyaane” Taasina waa karaa mayn iyo Sharfid xagga Alle uga ahaatay,[Safwatul Tafaasiir, 2/114.
 
Adillooyinkaas faraha badan ee caddaynaya fadliga uu helayo qofkii Ilaahay siiyo jacaylka iyo weyneynta Rasuulka SCW, Imaamyaalkii islamkuna caddeeyeen in dadka dhiga xuska dhalashada Nabiga SCW ay yihiin kuwa Nabiga jecel, ma bannaana in la xanto lana dicaayadeeyo dadka samaynaya khayrkaas weyninka badan.
 
Waxaad maqlaysaa dadka diida xuska Nabiga SCW oo odhanaya dadka xuska sameeya waxaa ka mid ah dad aan camalkoodu hagaagsanayn oo aan lagu sheegi karin in ay Nabiga jecelyihiin. Taas waa danbi ma bannaana mana la oggola in la dicaayadeeyo lana xanto qof Nabiga xuskiisa ku bixinaya hanti, xoog iyo maskax, qofkaas xataa haddii camalkiisu liito lama dhihi karo Nabiga ma jecla, waa qof nabiga jecel, laakiin jacaylkiisa ayay wax ka dhimanyihiin, sidaas waxaa caddaynaya Imaamyaalka uu ka midka yahay Xaafidkii weynaa ee Qaadii Cayaad kitaabka Al-Shifaa. Imaamyaalku waxay arrintan u daliishadeen xadiis saxiix ah oo uu weriyey Imaam Bukhaari, Xadiithkan oo ah: waxaa Nabiga SCW loo keenay Nin laga oofinayo Xad, Khamra uu cabay darteed, Asxaabtii qaar kamid ah ayaa lacnaday ninkii, markaas ayuu Rasuulku difaacay oo yiri : " Ha lacnadina wuxuu jecelyahay Ilaahay iyo Rasuulkiisa. Caddayntaas kadib waxaad ogaataan inuu fahan xunyahay qofkii dicaayadahaas la soo aada muslimiinta xusaya Rasuulkooda SCW.
 
 
5- XUSKA LAGU GAAR YEELO 12-KA MAWLIID
 
Sida ay ka dheregsanyihiin inta aqoonta naafica ah u leh diinta Islaamka in xus la sameeyo maalin gaar ah waa shay ay jideysey diinta Islaamku. waa arin Marjiceeda iyo Asal keedu aad ugu badan yahay Qur’aanka iyo Sunnada Rasuulka. sidaa waxaa dhigaya adilooyin aad u muuqda, waxayna Culumada Islaamka ee macruuf ka ahi caddeeyeen in adillooyinkaas xoogga badani daliil u yihiin in Qofka Muslimka ahi uu Xus samayn karo Maalin gaar ah oo ka mid ah Maalmaha Alle, maalin taas oo uu Illaahay uga mahad celinayo Nimco uu siiyey, ama Masiibo uu ka kor qaaday.
 
Sida uu dhigayo kitaabka Saxiixu Muslim Waxa laga wariyay Saxaabigii Jaliilka ahaa C/Laahi Binu Cumar RC: عن ابن عمر رضي الله عنه كان يأتي قباء كل سبت وكان يقول رأيت النبي صلي الله عليه وسلم ياتيه كل سبت رواه مسلم Waxa uu ahaa kii taga (Masjidka) Qubaa maalin kasta oo Sabtiya, wuxuuna ahaa kii yidhaahda waxaan arkay Nabiga (SCW) oo tagaya Maalin kastoo Sabtiya”.
 
Imaam Nawawi wuxuu Sharaxa Saxiixul-Muslim ee Xadiiskan ku yiri "waxa uu Xadiis kani bannaynayaa oo laga qaadanayaa in Siyaaro la tegi karo maalin cayiman oo gaar ah”.5/7/178 muslim
 
Imaam Bukhaari Wuxuu ka weriyey Caa’isha Allaha ka raali noqdee
عن عائشة رضي الله عنها أن الناس كانوايتحرون بهداياهم يوم العائشة يبتغون بها أويبتغون بذلك مرضات رسول الله صلي الله عليه وسلم. "waxay ahaayeen Dadku kuwa caado ka dhigtay la’eeg eegashada Had yadahooda maalinta Caasha uu la joogo, iyagoo taa ku rajaynaya Raali ahaan shaha Rasuulullaahi Muxammad SCW. [Saxiixul-Bukhaari S.5/203. No=2584].
Waxa laga wariyay Ibnu Cumar RC "Waxa uu ahaa Nabigu SCW mid aan tukan Duxada laba maalmood mooyee
 
1. Maalinta uu galo Maka, waxa uu ahaa kii gala wakhtiga Duxada, kadibna waxa uu dawaafi jiray Baytka, kadibna waxa uu ku Tukanayey labo rakacadood maqaamka gadaashiisa,
2. Maalinta uu tago Masjidul- Qubaa,wuxuuna ahaa kii taga Maalin kasta oo Sabtiya, marka uu galo Masjidka wuxuu kar’hi jiray inuu ka baxo illaa uu ku tukado dhexdiisa.
 
waxa kale oo uu sheegay Anas "In Rasuulku ahaa kii taga Siyaarta Masjidkan
isaga oo lugaynaya iyo isaga oo wax fuushanba.[Saxiixul-Bukhaari 3/68 No=1191].
 
Xadiith ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim wuxuu yidhi Abuu Muusal Ashcari RC:
دخل النبي صلي الله عليه وسلم بالمدينة وإذا أناس من اليهود يعظمون عاشوراء ويصومونه فقال النبي صلي الله عليه وسلم نحن أحق بصومه فأمر بصومه رواه البخاري "Nabigaa (SCW) markuu soo galay madiina waxa uu arkay Dad Yuhuuda oo waynaynaya Maalinta Caashuura oo Soomaya, waxa uu yidhi Naabigu(SCW) anagaa idinka xaq leh Soonkeeda, waxaanu amray in la soomo malintaasi”. [lafdiga Saxiixul- Bukhaari 7/221].
 
Haddaba waxaa inta Ilaahay rumaysay oo Rasuulkooda jecel la weydiinayaa haddii Rasuulka CSW uu maalin gaar ah Siyaara sameeyey, haddii yahuuddii weyneyneysey maalin gaar ah Nabiguna yiri annagaa u xaq badan inaan weyneyno, maxaa diiday in Nabiga la Raaco oo Xus lagu weyneeyo Maalintii uu dhashay Nabiga ugu darajada weynaa Makhluuqa Ilaahay abuuray.
Inteese danbigiisu la egyahay qofka baadil ku sheega in xus la sameeyo maalin gaar ah iyadoo Saxiixul-Bukhaari iyo Saxiixu Muslim ay qorayaan in Rasuulka CSW uu sameeyey arrintaas?. Intaas waxaa dheer quraanka kariimka ayaa caddayanaya camal fal lagu beego maalin gaar ah sida Qisadii Maa’ida, ee suuradda dhan loogu magac daray.
 
 
 
 
5- Sadaqada iyo waliimada la sameeyo
 
Ilaahay subxaanahu wa tacaa laa Aayadda – ee suuraddda al-Tawba wuxuu ku caddeeyey khayrka uu siinayo Muslimiinta Sadaqada la baxda ee aqrisa Salawaatka Rasuulka SCW.
ومن الأعراب من يؤمن بالله واليوم الآخر ويتخذ ما ينفق قربات عندالله وصلوات الرسول
ألا إنها قربة لهم سيدخلهم الله في رحمته إن الله غفور رحيم .
Dadka reer miyiga ah waxaa ka mid ah kuwa rumeeyey Ilaahay iyo maalinta Aakhirada, oo sadaqada ay bixinayaan ka dhigta mid ay Ilaahay ugu dhowaanayaan iyo Salawaatka Rasuulka, ha moogaanina arrintaasi dhowaansho Ilaahay ayey u tahay, Ilaahayna wuxuu dhex gelin doonaa Raxmadiisa Ilaahay waa danbi dhaafe naxariista.
 
Aayad kale Ilaahay S.W.Tacaalaa wuxuu ku yidhi:
ويطعمون الطعام علي حبه مسكينا ويتيما واسيرا إنما نطعمكم لوجه الله لا نريد منكم جزاء ولا شكورا.
Iyagoo jecel cuntadii ayey siinayaan qof miskiin ah, Qof agoon ah iyo Qof, Maxbuus ah. waxayna odhanayaan waxaan idiin quudinay Ilaahay darti idinkana dooni mayno inaad noo guddaan iyo mahad toona.
 
xuska mawlidku inta Quraanka Ilaahay amaanay ayaan ku samaynaa Dad u baahan ayaan Cunta siinaa dadkaas Nabiga ayey ku salliyaan. Xadiis uu weriyey Reexaantii Rasuulka SCW, Sayid Xasan Ibnu Sayid Cali Wuxuu Rasuulku Amray muslimiinta
 
عن حسن ابن علي ريحانة رسول الله صل الله عليه وسلم أطعموا الطعام وأطيبوا الكلام رواه ا لطبراني وقال السيوطي في جامع لصقير بسند حسن . Cuntada bixiya hadalkana hagaajiya.maxaa ka hagaagsan amaanta Ilaahay iyo Rasuulkiiisa aqrinta salawaatka, siirada Rasuulka ducada Muslimiinta iyo khayraatka faraha badan ee lagu sameeyo xuska mawlidka. Xadiithka kale wuxuu Rasuulku yiri:
أطعموا الوأفشوا السلام تورثوا الجنان رواه الطبراني بسند حسن كمافي جامع الصغير. Cuntada bixiya salaantana faafiya aad jannada dhaxashaane. Xadiiith kale oo uu Rasuulka si gaara ugu tilmaamaya fadliga uu leeyahay cuntada la siiyo culammada wuxuu yiri :
أطعموا طعامكم الأتقياء واه ابن أبي الدنيا في كتاب الاخوان وابو يعلي في منده بسند حسن. Cuntadiinna siiya dadka Atqiyada ah kuwa Ilaahay ka cabsada. Xadiith kanna wuxuu caddeeyaa fadliga xoolaha la qalo wuxuuna Rasuulku yidhi:
إن الصدقة لتقع في يد السائل وإن الدم ليقع من الله بمكان قبل أن يقع إلي الأرض رواه الترمذي وابن ماجه حديث صحيح .Sadaqadu waxay ku dhici Ilaahay gacantiisa, intaanay ku dhicin gacanta miskiinka dhiigga xoolaha la sadaqeeyo wuxuu ku dhici makaan Ilaahay xagiisa ah,inta aanu dhulka ku dhicin ( taasoo ujeedada macnuhu yahay in in Ilaahay si degdega u aqbalo sadaqada xoolaha la qalayo Hadygai iyo sadaqooyinka kaleba.) sida uu qorayo Kitaabka Ruuxu Siyar ee Imaam Burhaanu Diin al-Xalabi wuxuu Imaamkii weynaa ee AlXaafid Abuu Zurcatul-Ciraaqi la weydiiyey Xuska loo sameeyo Mawlidka Rasuulka SCW.,markaasuu yiri:
 
ففي كتاب روح السير للإمام برهان الدن الحلبي سئل الإمام الحافظ المحقق ولي الدين ابو زرعة العراقي عن عمل المولد ، فأجاب رحمه الله تعالي بأن اتخاذالوليمة وإطعام الطعام مستحب في كل وقت فكيف إذا انضم إلي ذلك الفرح والسرور بظهور نور النوة في هذا الشهر الشريف "Samaynta Casuumad iyo Cunto Dad la quudiyaa waa arin la sunneeyey goor walba, maxaad u malaynaysaa tiiyoo lagu daray Farxad iyo Rayn-rayn soo bixiddii Nuurkii Rasuulka SCW awgeed, ee Bishan Sharafta leh. Imaamka oo jawaabtiisa sii wata waxaa yira.فلا نعلم غير ذلك عن السلف Anagu garan mayno wax ka duwan sidaa oo ka sugnaaday Salafkii”. Imaamkii weynaa ee Mujtahidka ahaa Al-Xaafid Abuu Shaamah markuu ammaanay khyraatka lagu sameeyo Xuska Rasuulka SCW, wuxuu yiri :
 
وقال الإمام الحافظ المجتهد شهاب الدين أبو شامة : فإن ذلك مع ما فيه من الإحسان إلي الفقراء مشعر بمحبته صلي الله عليه وسلم وتعظيمه في قلب فاعل ذلك . Dadka Sameynaya Xuska Nabiga ixsaanka ay u samynayaan dadka baahan kasekow waxaad dareemaysaa jacaylka uu u qabo Rasuulka iyo siuda uu Nabigu ugu weynyahay qalbiga qofka sameeynaya xuska Rasuulka SCW.
 
7- FARXAD LA MUUJINAYO MAALINTAN.
 
Dhammaan qaybaha Xuska Xabiibka SCW ee aan kusoo sheegnay Cutubka koowaad waxay muslimiintu u samaynayaan farxad ay ku farxayaan nicmada Ilaahay siiyey maalintii uu Alle ifka u keenay Rasuulkii Raxmadda u ahaa caalamka oo dhan. Sababtaas darteed ayey u badinayaan aqrinta Siirada, Qasiidooyinka, Salliga, Maxabbada, Weyneynta, Xuska, Sadaqada, Farxadda iyo dhammaan qaybaha macruufka ee la kordhiyo bisha Rabiicul Awal ee uu dhashay Rasuulkeenna muxammad CSW.
 
Iyaga oo arrimahaas ka anba qaadaya waxaa wejiyada muslimiinta ku hawshan ku dhex jira ka muuqanaya Farxad iyo raynrayn aad u wayn iyagoo rajaynaya ajarka weyn ee uu Ilaahay siinayo qofkii xusa Rasuulkiisa suubban ee uu kor yeelay xuskiisa, sida ku cad Quraanka Kariimka.
 
In lagu farxo Rasuulka SCW waa arin Diinta Islaamku amartay waxaana udaliil ah.
Illaahay waxa uu yiri S.W Suurada Yuunis, A.58 قل بفضل الله وبرحمته فبذلك فليفرحوا ku dheh Nabi Muxammadaw ‘Illaahay fadligiisa uu ugu tafadulay iyo raxmadiisa arinkaa ha ku farxeen Umadu, isaga ayaana ugu khayr badan waxay kul minayaan -ama urur-sanayaan oo dhan-”. Raxmadaa uu Illaahay ina faray inaan ku faraxnaa waa Rasuulullaahi Muxammad C.S.W, waxaana sidan ku macneeyay Mufasirkii Islaamka ugu waynaa C/laahi Ibnul-Cabaas RC, oo ah caalimkii Saxaabada ee Rasuulku ugu duceeyey fasirka Quraanka iyo fiqhiga Diinka waxaana qoraya Kitaabka durarul manshuur fii tafsiiril ma’suur, Imamu Suyuudi, kitaab kaa oo uu sheekhu isku keenay wax alaale wixii tafsiir ahaa ee laga soo guuriyay Rasuulka CSW, Asxaabta, Taabiciinta, Taabicu-Taabiciinta, iyo mufasiriintii ugu waawaynaa Salafka.
 
Waa Ijmaac Inuu Raxmad yahay Rasuulku, Quraanka Kariimka iyo Axaadiista ayaa cadaysay, taasoo uu Ilaahay SW ku yidhi وما أرسلناك إلا رحمة للعالمين " kuma aanaan dirin Nabi Muxammadaw, adigoo Raxmad u ah Caalamka oo dhan mooyaane”, waxa kale uu Rasuulku yidhi أنا رحمة مهداه"waaxaan anigu ahay Raxmad ama Naxariis lasoo Hadiyeeyay”
 
Imaam Bukhaari wuxuu weriyey in gaalkii Abuulahab ahaa Naarta laga fudu deeyo Maalintii uu dhashay Nabigu SCW, sababtun ay tahay in uu ku farxay dhalashada Nabiga SCW, sidaasna uu ku xoreeyey adoontiisii la oran jiray thuwayba oo uu usoo sheegtay dhalashada Xabiibka SCW. Waxa kale oo wariyyay Almusanaf oo uu qoray Imaamu Sancaani, Fatxul baari Xaafidul-Casqalaani, Dalaa’ilu-Nubuwah Imaam Bayhaqi, iyo Sharxu-SunnahImaam Baqawi.
 
 
QAYBTA 2AAD
DALIILADA AY SIDA TOOSKA AH CULULMADU UGU DALIISHADEEN MASALADA XUSKA MAWLIIDKA RASUULKA (CSW

 

DALIILKA XUSKA RASUULKA SCW

Cutubka koowaad ee Kitaabka waxaan kusoo ogaannay daliilladii xoogga badnaa ee ku sugnaa qaybaha ay ka koobanyahay Xuska Xaflada mawliidka Rasuulka CSW, inshaa’Allaah waxaan Cutubkan labaad ku ogaanaynaa daliillada ay sida tooska ah culammadu ugu soo qaaeen xafladdan sharafka iyo qiimiga weyn ee ay ugu fadhido ummadda Muslimiinta ah. Waxaan ugu hormarinaynaa adilada Qur’aanka kariimka, waxaan ku xijinaynaa Axaadiithta Rasuulka CSW, waxaanna kusoo khatimaynaa ereyo cilmiyeedka Imaamyaalka Islaamku ku caddeeyeen Fadliga xuska Rasuulka CSW.
 
 
Daliilka Quraanka
Waxaan halkan ku soo qaada naynaa adilooyinkii ama Daliiilada ay Imaamada Islaamku u daliishadeen Xuska dhalashada Rasuulka SCW haday noqoto Kiataabka Alle ee Quraanka kariimka iyo Sunnada Rasuulka CSW.
 
Illaahay SWTacaalaa waxa uu yiri Suurada Yuunis A.58 قل بفضل الله وبرمته فبذلك فليفرحوا
هو خير مما يجمعون --ku dheh Nabi Muxammadaw [S.C.W.] ‘Illaahay fadligiisa uu ugu tafa dulay iyo raxmadiisa arinkaa ha ku farxeen umadu, isaga ayaa ugu khayr badan waxay kulminayaan, ama urur-sanayaan oo dhan”. Raxmadaa uu Illaahay ina faray inaan ku faraxnaa waa Rasuulullaahi Muuxammad [C.S.W] waa Ijmaac in Rasuulka CSW uu Raxmad yahay, Quraanka Kariimka iyo Axaadiista ayaana cadaysay, waxaana sidaas ku macneeyay C/laahi ibnu Cabaas Illahay raali ha ka ahaadee.
 
 Illaahay [S.W] waxa uu yidhi [Suurada Al-Anbiyaa, A107] "Nabi Muxammadaw kuma aanaan dirin adiga oo Caalamka raxmad u ah mooyee,waxaanu ku dirnay adigoo Kawnka oo dhan raxmad u ah”
 
Xuska dhalashada xabiibku waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu waa wayn ee ka mida Shacaa’irta diiniga ah, Illaahayna waxa uu kuyidhi Suurtul-xaj, A.32ومن يعظم شعائر الله فإنها من تقوي القلوب "Cidii waynaysa Umuuraha Diinta, amuurhaa waynayn toodu waxay ka mid tahay shaqooyinka kuwa Alle ka cabsada”. Mana jirto shacaa’ir ka weyn Rasuulka uu Ilaahay nagu galladaystay.
 
Waxa Ijmaac ah oo Culaulmada Islaamku ku kulan san yihiin ilaa Asxaabtii (RC) , haddii Shayga aad qabanaysaa uu soo galo Xuduuda Khayrka uma baahana Daliil, maadaama uu Khayr yahay oo uu wanaagsan yahay,
 
sida Illaahay ku yiri (SW) Suuratul-Zilzilt A.7 فمن يعمل مثقال ذرة خيرا يره ومن يعمل مثقال شرايره"Qofkii sameeya in Saxar le’eg oo wanaaga wuu arki”,-waa la siinayaa- Qofkii sameeya Saxar la’eg oo shar ahna wuu arki. waxa uu Ilaahay (SW) ku yidhi Suurtul-muzamil, A.20 وما تقدموا لأنفسكم من خير تجدوه عندالله هو خيرا وأعظم أجرا -"Shaykasta oo aad samaysaan oo wanaaga ama khayra abaal marintiisa Illaahay agtiisaad ka helaysaan”,
 
waxa uu Illahay (SW) Suuratul-Baqara, A.197] وما تعلوا من خير يعلمه الله "Shaykasta oo wanaaga oo aad samaysaan Illaahay waa kii og ee idinka abaalin”.
Imaamyaalka iyo xufaadda Islaamka waxay cadeeyeen in mawliiidka ay mmarjic uyihiin dhamaan aayadahhani.
 
DALIILKA
AXAADIISTA RASUULKA
 
Maalintani waxay ahayd mid waligeedba la wayneeyo, waxayna wada ogyihiin inta Imaanka wanaagsani in Ilaaahay uu weyneeyey Maalintii uu dhashay Nabiyullaahi Muxammad SCW sida ku cad Siirada iyo Axaadiithta Rasuulka SCW.
Ilaahay wuxuun ku xusay oo ku weyneeyey maalintii uu dhashay Rasuulka CSW cajaa’ib iyo khawaariq aayaad ah oo aan horey dib midna loo arag ruux sidsaas loo muujiyey Dhalashada Ilaahay Xabiibkiisa Suubanaha ah SCW.
 
Qofkii Raba inuu ka dhergo kuna Nafaxaado weyneynta iyo muujinta Ilaahay Swtacaalaa uu u sameey dhalashadii Rasuulka SCW ha aqristo boqollaalka kitaab ee laga qoray Siirada, Axaadiithta, Khasaa’ista, Dalaa’isha iyo Taariikhda dhalashadii Rasuulka SCW sida: Musnadka Imaam Axmad, Dalaa’ilu Nubuwah Imaam Bayhaqi iyo Imaam Abuu Naciim, Siirada Imaam Ibnu Isxaaq, Al-Shifaa Imaam qaadi Cayaad, Mawaahibu-laduniyah Xaafid Qusdalaani, Albidaaya Wa-Nihaaya Xaafid Ibnu Kathiir, Khasaa’isul-Kubraa Xaafidu Suyuudi iyo kutubta la midka ah. Imaam Nawawi wuxuu Kitaabkiisa Bustaanul-Caarifiin ku yidhi : Haddaba haddii Rabbi subxaanahu wa tacaalaa uu sidaas u muujiyey una weyneeyey dhalashadii Rasuulka CSW, Rasuulka SCW ma aanu joojin muujinta
Fadliga maalintuu dhashay Rasuulku SCW taas waxaa daliil ugu filan xadiiska Saxiixu Muslim ee uu qataada weriyey in Rasuulka CSW la su’aalay soomka uu soomo maalinta Isniinta oo uu yiri ذاك يوم ولدت فيه"" Waa Maalintii aan dhexdeeda dhashay”, Maalintu waa maalin qiimo wayn, waana maalintaa Allena Xusay, Rasuul kiisiina Xusay,Aw liyadii Allena ay Xustay.
 
Su’aasha Xadiiskan ay weriyeen Muslim iyo Abuu Daa’uud maaha ma la sooma yaa Isniinta oo keliya!, ee waxa la waydiiyey Rasuulka CSW sababta loo soomayo? Oo noqo naysa waa ma xay sabata Soonka loo jideeyay? Waxa uu ku jawaabay Rasuululaahi Muxammad SCW waa maalintii aniga la idhalay,
Tani waa daliil cad in Xabiibku SCW xusay Dhalashadiisii, isagoo muujiayay shukri Alle loo mahad naqayo,waana waynayn uu Rasuulku weyneeyey Maalintuu dhashay.
 
Xaafidkii Muxammadiyada Ibnu Xajar Al-Casqalaani isagoo caddeeynaya in ay isku mid tahay in dhalashada Rasuulka iyo mahadnaqeeda lagu muujiyo Soom iyo cibaadooyinka kale wuxuu Yiri: "mahad naqa Alle wuxuu noqon karayaa noocyada kala duwan ee Cibaadada sida Salaadda, Soomka, Sadaqda, Qiraa’ada Quraanka iyo kuwo kale”.
 
 Waxa uu Rasuululaahi Muxammad (SCW) yidhi من سن في الإسلام سنة حسنة فله أجرها وأجر من عمل بها بعده من غير أن ينقص من أجورهم شيئ ومن سن في الإسلام سنة سيئة كان عليه وزرها ووزر من عمل بهامن بعده من غير أنينقص من أوزارهم شيئ رواه مسلم
Qofkii suneeya (jideeya) lslaamka dhexdiisa Sunna (jid) wanaagsan waxa uu leeyahay ajarkeeda iyo ajriga ruuxii kale ee ku camal fala isaga dabadii, iyada oon kuwaana waxba aan laga nusqaamin ajri goodii, Ruuxii isna Sunneeya (jideeya) Islaamka Dhexdiisi Sunna (jid) xun, waxa uu leeyahay danbigeeda iyo danbiyada ciddii kalee kaga dayata, kawasoo aan waxba laga nus qaminayn Dambigooda ”, [waxa wariyay Muslim]. Xadiiskan wuxuu u mar qhaati ah waxa faraha badan ee khayr ka ah ee Asxaabtii , Taabaciintii iyo Aa’imadii Diintu inoo jideeyeen iyagoo u cuskanaya asalka ama qawaacidda Diinta Islaamka.
 
 Waxaa laga wariyay C/Laahi Ibnu Cabbaas RC inuu yidhi "Markuu Nabigu SCW Madiina yimid wax uu ku arkay Dadkii yuhuuda ahaa oo Maalinta layiraahdo Caashuura soomaya, markaasuu ku yiri muxuu ahaa (Soon kani)? Waxay ku yidhaahdeen maalintu waa maalin fiican, waa maalin tii uu Illaahay ka bad baadiyay Reer banii Israa’iil cadawgoodii, mar kaasuu Nabi muuse soomay, waxa uu Nabigu yidhi anagaa idiinka xaq leh Muuse, mar kaa suu soomay wuxuuna amray in la soomo”,[ waxaalagu wariyey Saxiixul Bukhaari iyo Saxiixu Muslim ].waxa Xufaada Axaadiistu cadeeyeen in xadiiskani ku jirto Nusuusta daliilka u ah Xuska Mawliidka Rasuulka SCW, Xadiiskan oo qudha ayaana ugu filan Daliil Qofkii iimaan qaba.
 
Waxa laga wariyay C/Laahi binu Mascuud RC inuu yidhi ما رآه المسلمون حسنا فهو عندالله حسن ومارآه المسلمون قبيحا فهو عندالله قبيح . "Shaygii Muslimiintu ( Imaamyaalka Islaamku) u’arkaan wanaag, Shaygaasi waa mid xaga Allena ka wanaagsan, Shaygii Muslimiintu u arkaan wax xun, waa shay ku xun Xagga Allena”, waxaa wariyay Imaam Axmad,waxa Saxiixiyay Xaakim kitaabka mustad raka 3/78, waxa kale oo qiray Dahabi waxa kale oo aad ka eeg taa [maqaasidul – Xasana ee xaafidu Sakhaawi 327]waxaana uu shegay xaafidku Xadiis ay isku macno dhaw yihiin oo Rasuulku yidhi "Umadaydu kuma dhacdo Hallow” waxa weriyey Tarmadi.
 
Waxa haddaba Umadda Muxamadiyada ee ee waliba ahlul Ictibaarka ahi isku waafaqeen Mashruucnimada Ixtifaalka Mawliidka Rasuulka.
markaa meel kasoo qaad ma leh Firqadan iyadoo aan wax daliil ah haysan iska diiday xuskan khayrka weyn. ayna ka muuqato cadho ay uqabto Rasuulka Illaahay iyo Awliyadiisa.
Daliilka
Imaamyaalka Islaamka
 
Ilaahay SWTacaalaa wuxuu Quraankiisa kariimka ah nagu amray inaan fahamka diinta ka qaado Imaamyaalka Diinta Islaamka, wuxuuna yidhi:
فاسئلوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون su’aala, Ahlul Cilmiga haddii aydnaan garanayn. Aayad kale wuxuu Ilaahay nagu amray inaan inaan macooda ahaanno imaamyaalka runlowyaalka ah ee la isku raacsanyahay kalsoonida diinkooda, wuxuuna yidhi:
 
suuratul tooba 119 ياء يهاالذين ىمنوا اتقوا الله وكاوا مع الصادقين "Dadka Muminiinta ah ee Alle rumeeyow Rabigiin ka cabsada, waxaanad macooga ahaataan oo aad raacdaan lana jirtaan kuwa Run lowga ah -ka runsheega Diintooda, Iimaan kooda, Camal kooda iyo Mucaamala doodaba”.
 
 Waxa uu Ilaahay(SW) yidhi [Suuratul Nisaa 59]
ياءيها الذين آمنوا أطيعوا الله وأطيعوا الرسول وأولو المرإ منكم . dadka xaqa rumeeyayow Ilaahay adeeca Rasuulkiisa adeeca, uulul Amrigiina adeeca”,waxaa C/Laahi Binu Cabaas, Cali binu abii dalxa,mujaahid, Cadaa iyo Xasanul Basri RCM ku macneeyeen in "uulul Amriga” Ilaahay ha la adeeco uu lee yahay ay yihiin Culmada Cilmiga iyo Fiqhiga [Tafsiir ibnu Kasiir 1/519]
 
 Xadiis saxiix ah oo ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim Waxa uu Rasuulku yidi (scw)
من أطاعني فقد أطاع الله ومن عصاني فقد عصي الله ومنأطاع أميري فقد أطاعني ومن ععصي أميري فقد عصاني Qofkii I adeeca Ilaahay ayuu adeecay, Qofka i caasiyaana Ilaahay ayuu caasiyay, Qofka Amiirkayga (Imaammka diiinta) adeecaana aniguu i adeecay, Qofka Amiirkayga caasiyaana aniguu i caasi yay”, tani waa amar la is farayo adeecida Imaamka iyo Amiirka Islaamka, waxaa sidan ku macneeyay Ibnu Kasiir eeg Tafsiirkiisa 1/519].
 
•Haddaba haddii Ilaahay SWTacaalaa uu Quraankiisa nagu amray inaan fahamka diinta ka qaadanno Imaamyaalka Islaamka.
• Haddii uu na farayo inaan macooga ahaanno oo aan marro dariiqiii ay u mareen diinta.
• Haddii uu na amray inaan adeecno oo u hoggaansanno Iftahooda.
• Haddii Rasuulka CSW uu yiri: Qofkii Imaamyaalka Diinta adeeca aniguu I adeecay, Qofkii caasiyana aniguu icaasiyey, Qofkii Nabiga caasiyana ay xaqiiqa tahay inuu Naarta gelayo, waxaa lagama maarmaan ah inaan qaadanno khayrka weyn ee ku jira raacitaanka Imaamyaalka, iskana ilaalinno khatarta weyn ee ku jirta khilaafka imaamyaalka. Si taas noogu suurtawdu waa in aan si cilmi ah u ogaannaa sidii Imaamyaalka Islaamku u weyneyeen xuska dhalashada Nabi Muxammad CSW.
 
 
1- IJMAACA XUSKA MAWLIDKA.
 
WAQTIGII MALIKUL-MUDAFAR IMAAMYAALKA ISLAAMKU WAY ISKU RAACEEN XUSKA DHALASHADA RASUULKEENNA MUXAMMAD CALAYHI SALAATU WA SALAAM.
Kuwa ugu waawayn Caalimiinta Islaamka ayaa soo xaadirayey xuskii Nabiga ee uu samaynayey Malikul-Mudafar. Inta aan soo gaarinna ammaantiisa iyo ducadiisa ayey soo gudbinayeen, qaarkoodna waxayba ku qorayeen kitaabbadooda, sidaas darteed, xuska Rasuulku wuxuu noqday mid ay isku raacsanyihiin Imaamyaalkii diinta Islaamka ee xilligaa, sida noogu imaan doonta qoraalka.
 
 
MALIKUL-MUDAFAR
 
Sida ku sugan kutubta waawayn ee taariikhda hoggaamiyahan Saalixa ahi wuxuu ka mid yahay hoggaamiyaalka taariikhda ugu waawayn ku leh diinta Islaamka. waxaa lagu xasuustaa guushii uu kasoo hooyey Dagaalkii Saliibiyadda xilligii Salaaxu diin Al-Ayuubi, awood siinta Ayuubiyiintii Ifka ka tirtiray Bidcadii Faadumiyiinta, wayneynta Xuskii Mawlidka Rasuulka SCW, samaynta goobaha Xalaqada Cilmiga iyo dikriga, Saacidida Imaamyaalka diinta, samaynta xarumaha quudinta masaakiinta, Furashada Muslimiinta gaaladu qabsato Cirib goynta Bidcada, la dagaalanka fisqiga iyo khayraat badan oo uu Ilaahay ku karaameeyey geesigii Muslimiinta Malikul-Mudafar.
 
إن الله مع الذين اتقوا والذين هم محسنون Ilaahay wuxuu la jiraa kuwa ka cabsada iyo kuwa khayraatka sameeya.
Guulaha waawayn ee lagu xasuusto Malikul-Mudafar waxaa ka mid ah jabkii uu u geystey gaaladii Saliibiyada oo ay ugu Caansantahay Guushii Xidiin, guushan oo sababtay in muslimiintu ka xoreeyaan Gaalada Baytul-Maqdas Masjidul-Aqsaa, geesigii Islaamka ee Salaaxu-Diin Al-Ayuubi wuxuu Malikul-Mudafar u guuriyey walaashii Rabiicah Binti Ayuub.
 
Xaafid Ibnu Kasiir Kitaabkiisa Al-Bidaaya wal- nihaaya Juskiisa 13-aad markuu ka hadlayey Malikul-Mudafar waxa uu yiri, Malikul-Mudafar – Mudafiru-Diin Abuu Saciid Al- Kokbari Zaynu-diin Cali Ibnu Tabaktakiinأحد الأجواد والسادات الكبراء والملوك الأمجاد له آثار حسنة " waa mid kamid ah dadka deeqsi yaasha ah, ee hanti dooda ugu deeqa Illaahay Diin kiisa, wuxuu kaloo ka mid ahaa Sayid yaalka waaweyn ee Diinta Islaamka, iyo Madaxda Islaamka ee Sharafta badan, wuxuuna Islaamka ku dhex lahaa Aathaar wanaagsan.
 
وكان يعمل المولد الشريف في ربيع الأول ويحتفل به إحتفالا هائلا Imaamkaa wayni wuxuu ahaa mid sameeya Mawliidka Shariifka ah, Bisha Rabiicul Awal. waxa uuna u samayn jirey Xuska dhalashada Rasuulka CSW Ixtifaal wayn, (marka la eego Xoolaha uu qalayo, Uduga uu keenayo, Guryaha uu dhisayo, tira badida Muslimiinta kasoo qayb galaysa, Culamada waaweyn iyo Imaam yaalka Imanaya.
 
Ibnu Kathiir oo Imaamka ku ammaanaya Guulahii uu islaamka usoo hooyay iyo Caalimnimadisii wuxuu yidhi وكان مع ذلك شهما شجاعا بطلا فاتكا عاقلا عالما عادلا wanaaggaas uu sameynayey waxaa u wehliyey wuxuu ahaa Geesi, aan waligii soo jeedsan, Libaax ah, oo haddana Caalim ah , Caaqil ah, Caadil ah. رحمه لله وأكرم مثواه Ilaahay u naxariisto hana hagaajiyo meesha uu u hoyanayo ee Jannada ah.
 
Ammaantaas wayn iyo ducadaas ayuu M.Mudafar ka mutaystay Muslimiinta dhexdeeda. Imaam Ibnu Kathiir oo caddaynaya sidii xufaadda Axaadiithta Rasuulku u taageereen Mawlidkii uu samaynayey Malikul-Mudafar wuxuu yiri : Xaafid Abul Khaddaab Cumar Binu Dixya wuxuu u allify Kitaab Mawliid ah, oo la yiraahdo [Al-tanwiir fii-mawlidi Bashiiri nadiir],
 
Kitaabka uu xaafid ibnu Dixyah u allifay Mawlidka Rasuulka SCW Waxa ka le oo qoraya Kitaabka Tafsiirka ah ee Ibnu Kasiir. Malaha Bidcada mawlid diidku may arag meeshu uu kaga qoranyahay Tafsiirka, Ninkasta oo iyaga ka mid ahna aqalkuu uyaalaa !!!. Ibnu Kathiir waxa uu yiri : Markuu Malikul-Mudafar Xaflada qabanayo waxaa soo xaadiri jaray dhammaan Culumada Islaamka iyo Acyaanta Suufiyada, Xaafidku wuxuu sheegay in xafaladdaa Macruuf Badan lagu samayn jirey, wuxuuna M.Mudafar ka qayb geli jirey Xadrada dikriga. الله أكبر
Ilaahbaa weyn. Hadaba waa yaabe Kitaabka Ibnu kasiir Ma kitaab yuhuudi baa!!!! Marka la eego Fikirka Firqada Wahaabiyada.
 
Kitaabbada ay ka midka yihiin Al-Bidaayah wannihaayah iyo kitaabka Mir’aatu Zamaan ee uu Qoray Sibdi Ibnul-Jawzi waxay qoreen in Xaaskiisii Malikul-Mudafar oo la odhan jiray Rabiictul-Khalduum Binti Al-Ayuub ay sheegtay in Khamuiiskii uu sitay Malikul Mudafar uu qiimihiisu ka hooseeyey 5 Dirham!, mar kasaan ku canaan tay ayay tidhi arintaas, markaasuu igu yidhi "Inaan xidho maro 5 Dirham ah, oo inta kalena sadaqa ula baxo ayaa iiga khayr badan inaan xidho maro Qaaliya oo lacag badan joogta, sidaana uu ku qado Qofkii faqiirka ahaa ee aan sadaqada siin lahaa”. Kitaabbada aan soo sheegnay waxay qorayaan in uu Malikul-Mudafar Sanad walba sadaqada Mawliidka Rasuulullaahi Muxammad ku bixin jiray 300,000 Dinaar.
 
Waxay Imaamyaalkii la waqtiga ahaa Malikul-Mudafar iyo kuwii ka danbeeyeyba isku raaceen in uu yahay Ruuxa Billaabay habkan hadda loo sameeyo Xuska Mawlidka Rasuulka SCW, aad ayeyna ugu ammaaneen ku dhaqanka shariicada Islaamka.
Xaafidu Dahabi wuxuu ku qoray kitaabkiisa Siyaru Aclaami Nubalaa, in magaalooyinka uu ka taliyo Malikul-Mudafar aan la soo gelin karin waxyaalaha aanay oggolayn shariicada Islaamku.
 
Imaamyaalka Islaamku wey ugu duceeyeen Mudafar xoojinta iyo noolaynta Xuska Rasuulka SCW. Waxayna ku sheegeen inuu yahay محمود السيرة والسريرة ruux la mahdiyey raadkii uu uga tegey Islaamka Dhexdiisa, ajar kiisuna yahay mid soconaya illaa Qiyaamaha sida Rasuukuba sheegay, in Qofka jideeya jid wanaagsan uu ajar keeda helayo iyo ajarka Cidda ku raacda Jidkaa iyagoon kuwaana aan waxba laga nus qaaminayn.
 
 
Imaamka wayn ee Muxaqiqa Culuumta Quraanka
AL-Xaafid Shamsu-Diin Ibnul-Jazari:-
 
Jannada ayuu u rajeeyey Dadka sameeya Xuska wuxuuna u daliishaday S/Bukhaari.
 
Qof kasta oo wax ka yaqaan taariikhda Imaamyaalka Islaamka wuu yaqaannaa kutubta waawayn ee Imaamul-Jazari ku leeyahay culuumta Qura’aanka kariimka ee Tafsiirka, Qiraa’aatka Quraanka iyo Tajwiidka intaa waxaa u wehliyey waa Mu’arrikh loo cuskado taariikhda, waana xaafid Axaadiithta Rasuulka CSW. Imaamkan wuxuu allifay kitaabka "Carfu Tacriif Bil-Mawlidi Shariif” oo ah kitaab uu uga hadlay khayrka iyo Fadliga uu helayo qofka sameeya xuska mawliidka Rasuulka CSW. Imaamku wuxuu kitaabkan ku sheegay qisadii SAxiixul Bukhaariga ku tiillay ee uu uu Abuu Lahab ku xoreeyay adoontiisii Suwaybatul-Aslamiyah markay ugu bishaaraysay Dhalashadii Rasuulka (SCW), isagoo ku farxay wiilka u dhashay Walaalkii.
 
Markaasuu Imaam Jazari wuxuu yiri "Maxaad umalayn Qof Muslim ah oo Muwa-xid ah, oo ah Umadii Rasuulka (SCW), isla markaana Bishaaraysanaya dhalashada Nabiga Sanad walba inta Cumrigiisa ah, isagoo bixinaya wixii awoodiisa ah Jacayl uu uqabo Rasuulkiisa (SCW), kaa Illaaha kariimka ahi wuxuu ku abaal siin in uu fadligiisa ku geliyo Jannada.[Al-X


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip